Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Odowaa oo War ka soo saaray dagaal ka dhacay duledka Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal gelinkii dambe ee maanta nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ee Gobolka Galguduud ku dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen goob ay isku arruursanayeen Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu tilmaamay inay dileen 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isagoo intaas ku daray in la burburiyay fariisimo ay isku diyaarinayeen, ayna ku raad joogaan firxadkii ka baxsaday goobtaas.

Ma jiraan warar madax banaan oo sheegaya qaabka uu dagaalkaas u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa dhaqdhaaqyo Ciidan ka wada Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, kaasoo ka dhan ah dagaalameyaasha al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah Isbitaalada Gaza oo xirmay ka dib caqabad adag oo soo wajahday

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo lagu dhaliilay duulimaadyada ay mudada kooban fasaxday

Caydiid Ali

Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Marxuun Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre (Daawo Video)

admin
Taboola Ads ---