Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo sheegay inuu duqeeyey saldhig ay leedahay kooxda Al-Shabaab

Ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia ayaa shaaciyey in Isniintii ina dhaaftay ay duqeyn la beegsadeen fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin meel 50-KM Waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda hoose.

Taliska Mareykanka Afrika AFRICOM ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ma sheegin khasaare nafeed oo Al-shabaab ka soo gaaray duqeyntan, balse wuxuu xusay inuu wado baaritaanada la xiriira weerarkan iyo helida xogta la xiriirta khasaaraha ka dhashay.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyntan ay ka dhacday meel ku dhaw goobtii lagu dilay askari Mareykan ahaa, bishii June ee sanadkan, lana fuliyey ka dib weerarkii Isniintii  al-shabaab ku qaadeen Baar-sanguuni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Danjire Cali Cagabaruur oo farxada ciida la qeybsaday Soomaalida kunool Kampala (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo booqday ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---