Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb

Dagaal xooggan ayaa ka qarxay degaan ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug kaasoo u dhexeeya ciidamada DF iyo kuwa Al-Shabaab.

Sida Saraakiisha ciidanka dowlada Soomaaliya u Xaqiijiyeen Warbaahinta dagaalka ayaa yimid ka dib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen degaanka Sino-dhaqo oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada Gorgor.

Rasaas iyo qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay degaanadaas galabta qorax dhacii kuwaasoo ay isweydaarsanayaan dhinacyada halkaas isku fara saaray sida ay sheegayaan dadka ku dhow degaankaas.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee kala gaaray dhinacyada hardamaya iyo dadka degaanka.

Iska horimaadkan ayaa ku soo aaday xili dagaalo ka dhashay kacdoon ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdaan degaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dhalinyarada Muqdisho Maxay ku tilmaamayn Musharax Madaxwayne Xasan Cali Khayre (Wanaag Masa Xumaan)

admin

Trump oo amray in la weeraro Iran, markii dayuuradihii dagaalka la kiciyeyna ka laabtay

Caydiid Ali

Mahad Salaad oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Laftagareen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---