Mas’uuliyiinta magaalada Beled Xaawo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in haween dhowr ah lagu kufsaday degaan hoos yimaada magaalada Beled Xaawo oo lagu magacaabo Bakoolow.
Mas’uuliyiinta ayaa faahfaahin ka bixiyey cidda ay tuhunsan yihiin in falkaasi ka dambeeyeen. Falkan ayaa dhacay maalintii shalay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Beled Xaawo.
Guddoomiyaha Beled Xaawo Maxamuud Xayd Cusmaan oo sheegay inuu arrintan kala hadlay mas’uuliyiinta dawladda Kenya ee ku sugan xuduudda, ayna socdaan baaritaano.
“Gabdhaha la kufsaday waxay ahaayeen shan, mid aan weli la guursan baa ku jirtay, waxaa la socday aabahood iyo wiil yar oo la dhashay, waxay ku socdeen Mandhera, waxay sheegeen iney jidka u joogsadeen koox askar ah ka dibna ay kufsadeen” ayuu yiri Maxamuud Xayd Cusmaan.
Waxaa uu sheegay in la geeyey isbitaal ku yaalla Mandhera, Dhaqaatiirtuna ay cadeeyeen in kufsiga uu saameeyey shantaas gabdhood, isagoo intaas ku daray in wadaan howlgalo lagu baadi goobayo raga falkan geystay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com