Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare geystay.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in qaraxan uu ahaa Bam gacmeed halkaasi lagu tuuray.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan in lala eegtay Col. Saciid Dheere oo ah sarkaal ka tirsan Millatariga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Saciid Dheere ayaa xiliga qaraxa lala eeganayay wuxuu ku jiray goob Timajare ah, iyadoo ay banaanka joogeen ilaa Saddex askari oo ilaaladiisa ka tirsan

Inta la xaqiijiyay qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay Sarkaalkan oo Taliye Urur u ah ciidanka ku sugan calamada iyo Saddexda ilaaladiisa aheyd, lamina sheegin wax dhimasho ah oo ka dhashay.

Dhaawacyada ciidankan ayaa waxaa loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, iyadoo laba askarta ka mid ah dhaawacooda laga deyrinayo.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna xireen aagga uu qaraxa ka dhacay, baaritaano ayay halkaasi ka sameeyeen, waxaana hada dib u soo laabtay isu socodka gaadiidka oo muddo kooban hakad galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Is Qab qabsi iyo muran ka taagan nuuca Doorasho ee dalka ka dhaceysa 2020/2021

Cabdi Cade

Xamse: “Itoobiya labo jid midkood ayey rabtaa iney bad ku hesho”

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin oo si adag uga hadlay aflagaaddeynta Nabi Muxammad NNKH

Cabdi Cade
Taboola Ads ---