Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo qaabilay Maxamed al-Sacii iyo xubno la socday (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed al-Saciid Axmed al-Baz iyo xubno la socday.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo Danjiraha Masar u jooga Soomaaliya ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Xamse Barre iyo danjiraha Masar ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii dowladda Masar taageero uga geesan laheyd dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab iyo sidoo kale gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa xiriirkoodu sanadihii lasoo dhaafay ahaa mid aan fiicneen, waxaana xiriirka labada dal dib boorka uga jafay Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii la doortay kaddib booqasho ku tagay Masar lana kulmay madaxweynaha dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Taliye Sambaloolshe oo xilal cusub u Magacaabay saraakiil ka tirsan NISA

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo lagu qasbay saxiixa arrin uu muddo dheer diidanaa

Caydiid Ali

“Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa” Faallo uu diyaariyey Fahad Yaasiin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---