Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Eritrea oo duullaan cuilus ku qaaday gobolka Tigrey iyo TPLF oo ka hadashay

Ciidamada milatariga dalka Eritrea ayaa duullaan culus ku qaaday gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya, waxa ayna ciidamada dagaal adag kula jiraan ciidamo katirsan kooxda TPLF ee maamula gobolka Tigrey.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in milatariga Eritra ka gudbeen xadka ay Itoobiya la wadaagaan gaar ahaan gobolka Tigrey, waxa ayna ciidamada weerar culus ku qaadeen fariisimo ay lahaayeem kooxda TPLF.

Afhayeenka kooxda TPLF, Getachew Reda ayaa sheegay in ciidamada Eritrea kasoo gudbeen xadka ayna weerar kusoo qaadeen ciidankooda, waxa uuna xusay in uu socday dagaal ay isaga difaacayaan duullaanka ciidamada Eritrea.

“Eritrea waxay ciidankeeda oo dhan keeneysaa halkan iyo xitaa kuwa keydka ah. Ciidankeennu waxay si geesinnimo leh u difaacayaan meelaha ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri afhayeenka TPLF.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa sidoo kale qeyb ka ah dagaalka ka socda gobolka Tigrey, dagaalkan ayaana imaanaya xilli dhawwaan burburtay heshiis xabbad joojin lahaa oo socday dhoorkii bilood ee lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Beesha caalamka oo bilowday isku day lagu joojinayo qorshaha muddo kordhinta Farmaajo

Caydiid Ali

Kulan Xasaasi ah oo looga hadlay Amniga iyo Xakameynta Hubka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maskaxdii ka Dambeesay Duulaankii Ciraaq iyo in la ciqaabo Maxaabiista oo geeriyooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---