Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamada Dowladda oo howlgalo ka wada Deegaanadii Al Shabaab laga saaray Hiiraan (Sawirro)

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab iyo Gorgor oo ay wehliyaan ciidamada deegaanka ayaa howlgalo kawada deegaanadii ugu dambeeyay gobolka Hiiraan ee laga saaray Al Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo saraakiil katirsan ciidanka milatariga ayaa hoggaaminaya howlgalada ciidamada ka wadaan deegaanada dhaca gobolka Hiiraan ee laga saaray Al Shabaab.

Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgalada ay wadaan ku baadigoobaya xubno katirsan Al Shabaab , waxa ayna saakay ciidamada howlgalo ka wadaan Ceel lahele, Nuur Fanax, Beer xaane,Baardheere, Booco, Garasyaani iyo degaano kale oo dhaca jiin wabiga shabelle .

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgalo saf balaaran ah ay wadaan ciidanka dowladda iyo maleeshiyo beeleed, kuwaa oo doonaya in deegaanada gobolka Hiiraan ka joogaan kan saaraan Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

DEG DEG: Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Itoobiya Seyoum Mesfin oo la dilay

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo degmada Afgooye ka soo qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada booliiska oo qabtay burcad dhac ka geesan jirtay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---