Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Xaafad ka tirsan degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho waxaa caawa lagu dilay Nabadoon caan ah oo ka tirsanaa dadka degaanka.

Marxuum Nabadoon Cabdullaahi Nuur Garaad (Seefle) ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Kooxihii dilka fuliyey ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo marxuumkana uu isla goobta ku geeriyooday.

Marxuum Nabadoon Cabdullaahi Nuur Garaad “Seefle” ayaa ahaa nin afgaaban oo cibaado badan sida ay sheegeen dadka aqoonta u leh.

Ma jirto cid sheegatay dilka nabadoonka inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo ka hadlay xaalada Boqor Salman oo maalmo ka hor maray Qaliin

Caydiid Ali

Ciyaaryahan Caan ah oo u hiiliyay Muslimiin Dhibaato xoogan lagu hayo oo arintooda aan..

admin

Xukuumada oo Lacag ku taageereysa Dhismaha Degmo Al Shabaab Qarxiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---