Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo labo arrin oo muhiim ah kala hadlay Fei Shengchao (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Fei Shengchao oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Shiinaha ee dhinacyada Gurmadka Abaaraha iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha kaalmada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, xilligan ay dalka ka jiraan abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah waddanka, una baahan in wadajir loogu istaago gurmad kooda.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao ayaa dhankiisa tilmaamay in dowladdiisu ay kaalinta uga aaddan ka qaadan doonto gurmadka abaaraha – isaga oo intaa raaciyay in dhawrka maalmood ee soo socda dekedda Muqdisho uu ku soo xiran doono markab sida cunto gargaar oo ay dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya.

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada …

Cabdi Cade

Deni oo shuruudo cusub ku soo rogay Mashaariicda laga fulinayo Puntland

Caydiid Ali

Ciidamada Israel oo amray in laga baxo Rafah iyo qax balaaran oo ka bilowday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---