Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay uga hadashay kacdoonada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka bilowday qaar kamid ah gobolada dalka.
Warka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigha ayaa lagu sheegay in dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo galay waji cusub, waxa ayna sheegeen in hubka qaateen shacabkii Al Shabaab dhibaateyn jireen.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa bogaadisay siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo dadka hormuudka u ah kacdoonka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobolada dalka.