Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka kuyaala

Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa shaaciyay in Wasaaradiisa aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha kuyaala magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wareysi uu bixiyay Wasiirka Waxbarashada ayuu ku sheegay in aysan aqoonsaneyn Jaacadaha dalka kuyaala, waxa uuna tilmaamay in kaliya Jaamacadaha siiyeen aqoonsi ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in aysan jirin Jaamacad si rasmi ah Wasaaradiisa u aqoonsan tahay oo soo buuxisay shuruudaha iyo waxyaabaha laga rabo, waxa uuna xusay in Jaamacada Umada Soomaaliya xitaa ay ku jirto kuwa aysan aqoonsaneyn.

” Ma jirto ilaa hada Jaamacad aan aqoonsanahay oon dhihi karno Jaamacadan waan aqoonsahay, waa jiri karaan Jaamacado soo biixin kara ama soo dhaweyn kara shuruudaha iyo waxyaabaha laga rabo, Jaamacada Umadda Soomaaliyeed xitaa waxa ay lamid tahay Jaamacadahan dalka ka jira” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa ku yaala in ka badan 50-Jaamacadood oo intooda badan dowlada diiwaan galisay, Jaamacadahan ayaana ah kuwa tayadooda ay kala duwan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska hor imaad khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxdii hore ee DF oo qorshe xeeladeysan u degay Farmaajo & shirkii Afisiyooni oo

Caydiid Ali

Ciidan ka tirsan Gorgor oo tababar loogu xiray Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---