Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Laftagareen oo ka hadlay, tacsina ka diray geerida Marxuum Xildhiban Boorow

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuumku uu ka soo qaatay dowladnimada, midnimada, nabadda, xasilloonida Dowlad-dhiska Koonfur Galbeed iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan, Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Mursal (Boorow) qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo Iiman Alle hainaga wada siiyo,Marxuum Boorow wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uuna si hufan ugu soo shaqeeyey Qarankeenna. Isagoona lagu xasuusto doorkii uu ku lahaa  Dowlad dhiska Dalka,Nabadaynta bulshada iyo Hormarinta Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gantaalo lagu weeraray Magaalada Riyadh & khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Maraykanka oo digniin siiyey saddex ka mid ah dowladaha waaweyn

Caydiid Ali

Dacwad nuuc Cusub ah oo loo gudbiyay Maxkamad kutaala Hargeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---