Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqday boqolaal milyan oo dollar

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $700 oo milyan oo yabooh.

Lacagtan faraha badan badankeed ayaa loogu talo galay wax ka qabashada Abaaraha saamaynta u geystay dadka iyo xoolaha qeybo ka mid ah Somalia.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu shaaciyey deeqdan.

“Dadka Maraykanku waxa ay bixiyeen in ka badan $700 milyan ilaa maanta si ay wax uga qabtaan dhibaatada abaarta ee wax yeelaysa ku dhawaad ​​kala bar dadka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay dedaalka heyadaha samafalka ee mareykanku ugu jiraan la tacaalida abaaraha ka jira Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Afrikaan ah oo dhaqaale lagula dagaalamo Coronavirus ugu deeqay China

Caydiid Ali

(Sawirro) Dad fara badan oo ku le’day Magaalada Nawabshah ka dib markii..

Caydiid Ali

Daawo Sawirada Banaan baxyadii ruxay Muqdisho iyo Cumar Filish oo shaaciyay nuuca matalaad ee ..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---