Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay isbadal lagu sameenayo Taliyaal iyo Saraakiil ciidan

Warar saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in Madaxda sare ee dowlada Federaalka Soomaaiya ka arinsanayaan isbadal deg deg ah oo lagu sameeyo Taliyaal iyo saraakiil ciidan .

Madaxweynaha Soomaaliya oo xiligan saldhig ka dhigtay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa wada abaabulka isbadalo lagu sameenayo taliyaal iyo saraakiil ciidan kadib qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku waramaya in isbadalka la filayo in uu dhaco laga yaabo in uu saameyn ku yeesho qaar kamid ah Taliyaasha ciidanka gaar ahaan Milatariga iyo Nabad Sugida.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in laga yaabo in xilka laga qaado Saraakiil iyo Taliyaal ciidan oo u xil saarnaa amaanka magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen shaqadii loo igmaday.

Waxaa aad loo hadal hayaa in dowlada soo celiso saraakiil iyo taliyaal ciidan oo horey ula soo shaqeeyay dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh , waxaana xubnahaasi lagu soo xulanayaa khibrada dhinaca amaanka u leeyihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in hada Xukuumada kala wareegay masuuliyadii dhinaca amaanka ee horey loogu xil saaray, waxa uuna Madaxweynaha hada si toos ah u maamulayaa howlaha dhinaca ciidanka.

Farmaajo ayaa amaanka magaalada Muqdisho u xushay in ay ilaaliyaan ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo la yiraahdo 14-october, ciidankan ayaana la filayaa in si toos ah ula wareegaan amaanka Caasimada.

Madaxweyne Farmaajo , Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa saacadiii lasoo dhaafay wadatashiyo ka lahaa isbadalka laga yaabo in lagu sameeyo taliyaal iyo saaraakiil ciidan oo shaqadooda ku fashilmay.

Khubarada arimaha amaanka ku xeel dheer ayaa aaminsan in xiligan loo baahan yahay in dowlada ku sameyso isbadal laamaha amaanka ayna dowlada keento dad khibrad buuxda u leh dhinaca amaanka .

Al Shabaab ayaa labo isbuuc oo isku xigta waxa ay weeraro ku qaadeen xarumo muhiim ah oo dowladu leedahay, waxa ayna taasi keentay dhaleeceyn xoogn oo loo jeediyo Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kalluun aad loo jecel yahay oo digniin culus laga soo saaray isticmaalkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Qoorqoor kala hadlay culimada Soomaaliyed ee uu la kulmay? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xogta kulan Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay danjire Fei Shengchao

Caydiid Ali
Taboola Ads ---