In shacabku is difaaco marka aysan jirin dowlad difaacda waxey ka turjumeysaa difaacida xoriyadahooda iyo xuquuqahooda ay ku difaacanayaan naftooda, qoysaskooda, iyo maalkooda. Hasayeeshee Marka ay timaado is difaacida xaqa ah waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo cadaalada xuquuqda ay siineyso dulmi wadeyaasha la iska difaacayo oo aysan dhicin marka cadaalada lagu raadsanayo gacmaha isdifaaceyaasha in lagu xadgudbo xuquuqda dadnimo oo ka reeban in si bahalnimo ah in loola dhaqmo cadawga la iska difaacayo, taas oo haddii ay dhacdo salka la geleysa xadgudubyo marqaati ka noqonaya in la galay dembiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda insaanka.
Inkastoo cadowga ummadda Soomaaliyeed uu dhaqankiisu yahay mid xagjira oo argagixiso ah, haddana aysan jirin qawaaniin caalamiya iyo mid dowladnimo ama Islaanimo ama Soomaalinimo ama bini aadaminimo oo ay raacayaan, ayaa sidaas oo ay tahay waxaa loo baahan yahay in si bini aadaminimo leh loola dhaqmo maxaabiistooda, dhaawacooda, iyo meydadkooda. Marka ay timaado iney isku dhaqan yeeshaan kuwa la dulminayo oo is difaacaya iyo kuwa wax dulminaya, labaduba waxey ku sifoobayaan dugaag is dilaya oo uusan jirin mid midka kale ka bahalnimo wanaagsan, waxeyna labadooduba wada gelayaan hal qaanad iyo hal fayl oo ku suntan wuxuushnimo.
Dowladdu waxey ka gaabisay iney ka hortagto dhaqanka bahalnimada ku saleysan oo ay sameynayaan maleeshiyaadka beel ahaan u hubeysan oo cidamada dowladda ka dhinac dagaalamaya, islamarkaasna ay dowladu taakuleyneyso. Waxey ahayd in dowladdu ay iska xilsaarto in jabhadaha hubeysan oo ka dhinac dagaalamaya ay u sameyso saraakiil ciidan oo hogaamiya dagaal gelintooda si ay u yaraato qasaaraha nafeed oo soo gaaraya maleeshiyaadkaas aan tababarneyn, haddana islamarkaas ay uga hortagaan tacadiyada xadgudubka ku ah bini aadaminimada oo ay geysanayaan. Haddii aysan sidaas suurtogal ahayn, waa iney dowladdu joojisaa taakuleynta hubka iyo midka sahayda oo ay u fidineyso iyo ineysan ogolaan iney ka barbar dagaalamaan, haddii kale dowladu waxey masuuliyad ku yeelaneysaa tacadiyada ay geeystaan maleeshiyaadkaas.
Waxaa laga doonayaa dowladda iney sugto cadaaladda wakhtiga dagaalka oo si waafaqsan sharciga dalka ay deg deg u horkeento maxkamadda ciidanka cid walba oo ku eedeysan dembiyo dagaal iyo gaboodfal ka baxsan insaannimada, islamarkaasna ay xakameyso maleeshiyaadka sida xaqa ah isku difaacaya si aysan u geysan falal wuxuushnimo oo ka baxsan xuduuda insaanimada. Haddii aysan dhicin in dadka geysta dembiyada dagaalka ee ka soo kala jeeda labada dhinac ee is dagaalamaya iney marin maxkamad ay ku hortegayaan cadaaladda, waxey taas horseedeysaa halis amnixumo khatara oo ay keenayaan dadkaas marka ay dib ugu noqdaan bulshada rayidka ah oo ay ka soo jeedeen, iyagoo habdhaqanka lidka ku ah dadnimada ay kula noqonayaan bulshooyinkooda, taas oo u noqoneysa caado ay halkeedii ka sii wadaan oo ay joogteeyaan gaboodfalka ay dadka ugu sii geysanayaan.
Sida badan maleeshiyaadka aan tababarka ciidan lahayn waxey halis weyn ugu jiraan iney ku dhamaadaan goobaha dagaalka xeeladxumo dagaal awgeed iyo iyagoo qaba isku kalsoonaan aad u sareysa oo geesnimo xad dhaafa wadata, taas oo sabab u noqota iney goob kasta ku guuleystaan laakiin ay kala kulmaan qasaaro nafeed oo aad u tiro badan, islamarkaasna inta ka soo badbaada ay noqdaan dugaag aan dib ula noolaan karin bulshooyinka ay ka yimaadeen. Kuwaas oo ugu dambeyntii ku dhamaada ama gacanta dowladda ama dagaal beeleedyo sokeeye, wixii kuwaas ka soo harana ay noqdaan naafo maskax ahaan culaab ugu noqda ehelkooda, shacabka, iyo dowlada.
Waxaan xasuustaa markii la gelayey dagaalkii 77ka in saraakiisha dejisa istratejiyadaha xeeladaha dagaalka ay isku qabteen in dagaalka lagu galo hab jabhad oo maleeshiyooyinka deegaanadooda lagu dagaalamayo la abaabulo si ay ugu muuqto iska cabin xornimo doon ah ama in lagu galo hab ciidaan oo u muuqan karta duulan uu dal ku qaaday dal kale. Waxaa markii hore la go’aansaday in qaab maleeshiyaad jabhado ah dagaalka lagu galo, taas oo keentay dhimasho aad u tiro badan iyo dishibiliin xumo keentay is dilid gudahooda ah iyo amar kala qaadasho la’aan sababtay is dhexyaac keentay in tiro badan ay ku dhintaan bililiqo iyo miinooyin cadowgu uu cirka uga soo daadiyo oo u eg qalab qurxoon sida saacado, radiyayaal, okiyaalo, raashin, iwm.
Waxey taas markii dambe dowladda ku qasabtay iney dagaalka ka saarto maleeshiyaadka, isla markaasna ay dagaalka ku galaan qaab ciidan, taas oo horseeday guulo laga soo hooyey cadawga, laakiin ay qasaarooyin kala kulantay maleeshiyaadkii ay soo hawl gelisey oo isku soo abaabuley qaab beeleedyo, kadibna ciidanka dowladda ku qabsaday magaalooyinkii la xoreeyey iney iyagu maamulaan, taas oo keentay marar badan isku dhac uu ka dhashay qasaaro xoogan oo labada dhinaca soo kala gaartey. Waxey kaloo ay taas horseeday iney maleeshiyaadkii ay dowladdu hubeysay ay hubkoodii si qaldan ugu adeegsadaan isku dhacyo beeleed iyo burcadnimo ay kula kacayaan bulshooyinkii ay ka yimaadeen iyagoo qaab xukun dowladnimo ku waxyeeleynaya.
Waxaa mudan in la is weydiiyo sababta ay markasta u dhacdo in beelaha dega gobolada dhexe ilaa iyo shabeelooyinka ay maleeshiyaadkoodu markasta ugu taagan yihiin adeegsiga loogu abaabulayo la dagaalanka lagu tuurayo xukunka kelitalisyada oo haddii tusaale ahaan loo soo qaato ay ku dhinteen in ka badan rubac malyuun ka mida dagaalyahanadii maleeshiyaadkii loo adeegsadey tuuristii xukunkii Milateriga, halka maanta dagaalka lala gelayo xagjiriinta argagixisada ah uu ka socdo isla degaanadii maleeshiyo beeloodkii ku hoobtay kicinta xukunkii diktatooriga ahaa. Taas miyeysan u muuqan in waxyeelada ka dhalata difaacida dowladnimada ay beelo gaara ku baaba’aan, meesha dheefta dowlada loo wada siman yahay qeybsigeeda oo cid walba qeybta dheefteeda ay waran ku dhacsaneyso.
Waxaan la yaabanahay difaaca dowladnimada oo sida sunta nuyukulerka looga kala cararayo, haddana islamarkaas dheefteeda sida subaga sixinta ah loogu dagaalamayo oo ma tabcadeyaal burar waaweyn wata oo horkacaya beelahooda ay ku goodinayaan geeri ama gobonimo ay cadkooda ku soo dhacsadaan. Dowladda waxaa la gudboon in dagaalada lagu difaacayo dowladnimada Soomaaliyeed ay ku wajahdo oo keliya ciidankeeda oo ka wada kooban shacabka Soomaaliyeed, islamarkaasna ay maleeshiyaadka qarameyso oo ay tababarto. Waxaa kaloo waajib ah in dhalinyarada aan waxbarashada ku jirin loo qafaalo difaaca dowladnimada dalka oo xataa haddii ay ka fursan weyso ardayda dhameysatay waxbarashada dugsiga sare shaqo qaran ahaan loo ciidameeyo.
W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA
Fiiro Gaar ah: Fikrada qoraalka waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah.