Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Xamze oo ka hadlay kacdoonka Al-shabaab kaga furan gobolada dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Tiirka Xorreynta iyo Sugidda Amniga, kaasoo loogaga arrinsanayey howlgallada socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kacdoonka dalka lagaga xoreynayo.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo xasilinta goobaha la xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey ciidamada geesiyaasha ah oo kaashanaya bulshada ee ku guuleystay xoreynta deeganno ay ku sugnaayeen al-shabaab, isagoo tilmaamay muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta amniga shacabka, waxa uuna sheegay in Xukuumadda ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad hubeesan oo maanta lagu wareejiyay Maxkamada Ciidamada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiye Cali Jeyte oo Aqalka Sare uga Warbixiyay howlgalada ka socda Hiiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal ka dhacay degaanka Kamorow & Ciidanka Jubbaland oo talaabo qaaday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---