Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi sheegay in xubno katirsan Dowlada la shaqeeyaan Al Shabaab

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa shaaciyay in ay jiraan dad katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya oo wada shaqeyn dhaw la leh Ururka Al Shabaab, kuwaa uu sheegay in kooxdaasi siiyaan xogaha muhiimka ah .

Waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in kooxda Al Shabaab gudaha dowlada Federaalka ku leedahay dad usoo warama oo siiya xogaha dhinaca amaanka iyo macluumaadka ay uga baahdaan dhinaca dowlada.

”Al Shabaab gudaha Dowlada waxa ay ku leeyihiin dad taageersan oo siiya xogaha muhiimka ah ee dowlada gaar ahaan dhinaca amniga, waa u sahlantahay kooxdan cadawga ah in ay hesho xogta dowlada” Ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Siyaasigan taageersan dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ku dhaliilay dowlada in xilal sare u dhiibtay sidoo kale u xil saartay howsha amniga dad aan khibrad u laheyd dhinaca amaanka iyo sidoo kale  ciidamada.

Waxa uu sheegay Salaad Cali Jeelle in dowlada ay hada qaaday talaabooyin badan la iskan wareestay dul duleelka dhinaca amaanka iyo waxyaabaha sahlay in Al Shabaab qaraxyo ka geestaan xarumaha dowlada.

Hadalka Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqday isbadalo dhinaca amaanka Muqdisho lagu sameenayo , kadib weeraro is xig xiga oo ismiidaamin iyo mid toos ah Al Shabaab ka fuliyeen Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Arimaha Gudaha oo qabatay kulanka Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Dhiiro-geliyay Ciyaartoyda maamulka Jubbaland matelaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliye ka tirsan ciidanka Xooga dalka oo lagu dilay qarax loogu xiray sariirtiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---