Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Gorgor oo burburiyay Doon la sheegay in ay adeegsan jireen Al Shabaab

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ,gaar ahaan ururka 7-aad, guutada 18-aad ee  Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose oo ay maamulayeen kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Gorgor hoggaamineysay ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka gaareen toolooyin ay kamid yihiin Nuunaay, Nuun-garre iyo Tawakal oo hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad Kumaandooska Xoogga ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Shiikh ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka ku dileen afar dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo ciidanka la dagaalamay.

Waxa uu sidoo kale taliyaha sheegay in ciidamada Gorgor burburiyeen doon ay wabiga labadiisa dhinac isaga kala gudbin jireen dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugnaa tuulooyinka ay howlgalka ka fuliyeen.

Ciidamanka Gorgor ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa mararka qaar qaada howlgalo qorsheesan ay ka fuliyeen deegaano iyo toolooyin katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga maamulayada Batroolka Soomaaliya oo la magacaabay iyo Somaliland oo xubin ku leh (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Galmudug oo go’aano ka soo saartay ka hortagga cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Nin gabar 9 jir ah ku kufsaday Belad-weyne iyo Maamulka oo ka hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---