Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo la saftay Armenia eedeyn culusna u jeediyay dalka Azerbaijan

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dalalka Azerbaijan iyo Armenia ayaa isbuucii hore ka dhacay xadka labada dal wadaagaan, waxaana dagaalkan ku dhintay in ka badan 200-qof oo u badnaa askarta labada dal.

Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi , ayaa booqasho ku tagtay dalka Armenia , waxa ayna ku eedeesay dalka Azerbaijan in weerar sharci darro ah oo dhaliyay dhimasho badan kusoo qaaday dalka Armenia.

Nancy Pelosi ayaa sheegtay in dowladda Maraykanku ay taageersan tahay madaxbanaanida Armenia, waxa ayna cadeesay in ay ciidamada Armenia xaq u leeyihiin in ay iska difaacaan weeraro ay sheegtay in ay uga yimaadeen dhinaca Azerbaijan.

Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in looga baahan yahay in la ogaado in dalka Azerbaijan iyadu masuul ka tahay ayna qaaday weerarka hore ee dhaliyay dagaalka labada dal ka dhax qarxay.

Hadalka kasoo yeeray afhayeenka Aqalka Wakiillada ayaa muujinaya in dowladda Mareykanka taageersan tahay dalka Armenia oo xoog ku heesta dhul asal ahaan ee leedahay Azarbaijan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf culus oo mar kale ka dhex dilaacay Qaramada Midobay iyo Israa’iil

Caydiid Ali

RW Xamse “Reer Hiiraan waxaan leeyahay ha niyad jabina, keligiin halganka kuma tihiine.”

Caydiid Ali

Ruushka oo hanjabaad diray xilli uu ka cabsi qabo in hubka Mareykanka lagu soo weeraro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---