Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Odowaa: “45 ka tirsan Kooxaha argagaxisada ayaan ku dilnay degaanka..”

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ku dilay 45 ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo isugu jiray saraakiil iyo dagaalyahano.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaasna Al-shabaab laga dilay 45 xubnood.

“Meydadkooda waxay daadsan yihiin goobaha lagu dagaalamay, howlgalku weli waa socdaa, waana sii baacsaneynaa cadowga” ayuu yiri taliyaha.

Degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah degaanada ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.

Kacdoon ay hogaaminayaan qabaailka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ka socda labadaas gobol qeybo ka mid ah iyo degaano kale kaasoo looga horjeedo Al-shabaab oo lagu eedeeyey iney dhibaatooyin badan geysteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Mala dilay mise Corona ayuu u dhintay Cali Khaliif Galayr? Muxuuse ahaa?

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Amaro culus kusoo rogay Bangiyada iyo Xawaaladaha Puntland kuyaala

Cabdi Cade

Israa’iil oo Weerar Jawaab-celin ah ku qaaday Marinka Gaza iyo Wararkii u Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---