Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyo lagu aasay wado u dhexeysa Guriceel & Ceelbuur oo la fashiliyey (Sawirro)

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee howlgalka ka wada inta u dhaxeysa Degmooyinka  Guriceel  iyo Ceelbuur ayaa maanta soo saaray miinooyin Al shabaab ay ku aaseen wadooyinka.

“Ciidanka Dowladda Fedaraalka qeybta miino baarista ayaa qarxiyay miinooyinkii kooxdu wadada u galisay inay ku dhibateeyaan bulshada Somaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidamada.

Saraakiisha ciidamada ayaa xusay iney sii wadayaan howgalada Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay ka joogaan gobolada dhexe ee dalka.

Degmooyin ay ku jirto Ceelbuur oo Al-shabaab ay muddo dheer ka talinayeen ayaa waxaa ku wajahan ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo shalay laga daabulay magaalada Muqdisho, kuwaasoo haatan isku abaabulaya magaalada Dhuusamareeb.

Kacdoon ay hogaaminayaan qabaailka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ka socda labadaas gobol qeybo ka mid ah iyo degaano kale kaasoo looga horjeedo Al-shabaab oo lagu eedeeyey iney dhibaatooyin badan geysteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Qaranka oo boqolaal qof Salaada Ciidul-fitriga kula tukaday Masjidka Isbaheysiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo Mamnuucday baahinta Wararka la xiriira magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo u digay dadka Carqaladeenaya Dimuquraadiyada Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---