Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlay shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda Somalia? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee tiirka Soomaali Heshiis ah oo ka mid ah lixda tiir ee qorshaha Xukumadda Dan Qaran.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaabka dhismeedka guddi hoosaadka iyo qorshe howleedka hortabinta u leh ee horyaalla xubnaha guddiga.

Ra’iisul Wasaare, Xamse Cabdi Barre ayaa faray xubnaha guddi hoosaadka in ay la yimaadaan howl karnimo iyo dadaal dheeraad si looga gun gaaro hirgalinta halbeegyada u degsan.

Waxaa uu sheegay in ay aasaas yihiin xasillooni siyaasadeed iyo in horumar gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed wuxuuna gudiga kula dardaarmay iney dardar geliyaan howlahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ajandaha ugu horeeya ee looga hadlayo Kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

(Sawirro) Xafiiska RW Rooble oo War ka soo saaray heshiiskii caawa lagu gaaray Muqdisho

Caydiid Ali

Trump oo xaqiijiyey geerida Baqdaadi, faahfaahina ka bixiyey qaabka uu u dhintay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---