Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Prof. Saciid Ciise: “Muddo kororsiga Madax goboleedyada waxaa ka dhalanaya..””

Muddo kordhis ma sameysan karaan hayadaha sharci dejinta qaran iyo kuwa maamul goboleedyada. Ineysan taas dhicina waa waxa loo sameeyey inuu dastuurku ilaaliyo sareynta sharciga la xiriirta mudo xileedka madaxda, waxaana taas dastuurka dalka uga degsan xeer xadidaya mudo xileedka madaxda. Hadiise madaxda dalka iyo siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadeed ay isku raacsan yihiin in la kordhiyo mudo xileedyada xaafiisyada dowladda, waxaa loo baahan yahay in isbedelkaas lagu daro dib u habeynta loo baahan yahay in lagu sameeyo dastuurka dalka u degsan, sidaasna uu ugu gudbo ansixinta loogu talagalay in loogu sharciyeeyo qaadista loogu sameynayo aftida dadweyne.

Marka dastuurku ansixiyo mudo kordhin, taas ma quseyneyso madaxda markaas xilka haysa, laakiin isbedelkaas wuxuu la jaan qaadayaa madaxda doorashada xigta ku timaada isbedel sharciyeedka dhacay kadib, taas oo looga jeedo in madaxda xilka haya uu mudo xileedkoodu ku asteysan yahay tirada sanooyinka dastuurku siiyey marka uu ku guuleysto tartanka doorashada. Haddii ay dhacdo mudo kordhin ama naaqusin inta u hayo xilka dhexdiisa, isbedelkaas isaga ma quseeynayo, laakiin waxey quseeynaysaa doorashada xigta cida ku guuleysata.

Inta laga dhaqangelinayo habraacaas tilmaamaya mudo kordhinta sharciyeysan, waxaa la raacayaa mudo xileedka ku qoran dustuurka qabyo qoraalka ah oo sida horudhaca ah loogu gaarey heshiis bulsho oo ku meel gaara. Wixii  intaas ka baxsan waa mudo isu kordhin ay madaxda iyo goleyaashuba ay iskood isgu kordhiyeen mudo xileedkooda, taas oo haddii ay dhacdo ka turjumeysaa dhaqan dhiirogelineya xukun kelitalisnimo wadareed, mana jiri doonto haddii ay sidaas dhacdo wax dib dambe uga hor istaagi kara dheereysiga mudo xileedka ay si is xigxigta u sameysan karaan.

Dhaqankaas mudo isu kordhinta ah haddii aan laga hortegin waxaa dhaceysa in madaxda heyb ahaan degaankooda aqlabiyada badan ku leh iney adkaato sidii xukunka sharci ahaan looga qaadi lahaa oo ay u xushmeyn lahayeen mudo xileedkooda ay ku heleen guusha ay ku hanteen tartanka dimoqaraadiya oo ay xilka ku yimaadeen. Habdhaqankaas wuxuu halis weyn ku yahay xukunka dimoqaraadiyada rayidka ee ku dhisan habraaca sharciyadeed ee lagu dhowrayo sareynta sharciyada u degsan dastuurka lagu hogaaminayo dalka.

Waxaa muuqata walaac muujinaya xumaan laga qabo in dalka dastuurkiisa la burburinayo inta aysan suurtogal noqon qabyo tirkiisa, waxeyna taas soo iftiimineysaa gobolada dalka oo dib ugu noqda ismaamul qabyaladeed oo qabqalanimo ku dhisan iyo hogaaminta dalka oo gacanta u gasha kelitaliyeyaal xoog ku haysta maamulada dowlad goboleedyada, kuwaas oo ku doonaya damacooda iney isku wada haystaan qeyb libaax ku lahaanshaha awoodaha dowladda dhexe iyo kuwa ay sida tooska ah u maamulaan ee dowlad goboleedyada. Haddii aan laga hortegin miinada mudo kororsiga, waxaa la waayi doonaa xilalka dowladda oo si nabada lagula kala wareego iyo madax dambe oo doorasho ku timada, waxeyna saadaashu muujineysaa in doorashada bedelkeeda ay timaado xil iska dhaxlid qabyaaladeysan iyo xukun isku wareejin dhaxaltooyo.

W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

Fiiro gaar ah: Fikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa isagoo aan cidna ku xad gubeynin..

Related posts

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor & Danjire Nicolas Barlenge?

Caydiid Ali

Safarka la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Hargeysa oo lasoo dhaweeyay

Cabdi Cade

Weerar Lagu dhaawacay Taliyihii Ciidamada Danab iyo saraakiil kale oo ka dhacay Tixsiile 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---