Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh: “Si cad ayaan u sheegeynaa gooni isku taag ma aqbali karno”

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Washington iyo agagaaraheeda, iyo xubno ka socday jaaliyadda Soomaalida ee guud ahaan gobollada Mareykanka iyo Canada.

Madaxweynaha ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay kullankas ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, la dagaalanka iyo ciribtirka Al-Shabaab, abaaraha, ujeedada safarkiisa Washington iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay sida laga yeelayo gooni isku taagga maamulka Somaliland iyo sida loo macaamilayo maamulkaas. Waxaana uu sheegay inay dowladiisa ay ka go’an tahay inaysan aqbalin in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

“Si cad ayaan u sheegeynaa gooni isku taag nooc walba oo uu yahay iyo qaab kasta oo uu ku yimaado ma aqbaleyno, haddii ay ahaan laheyd dhaqaale ama horumarin, midnimo ayaa na deeqda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu xusay iney diyaar u yihiin wada-xaajood iyo in wax walba lagu dhammeeyo isfaham iyo Soomaalinimo.

“Waxaan xitaa u ogolnahay Somailand inay ayaga xataa soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qodobada heshiiska, balse waa inay iska iloobaan fikradda gooni isku taagga oo ka dhigan mid dhameystireysa dhaawicii horey u gaaray midnimada Soomaaliya” ayuu yiri Xassan Shiikh.

Waxaa uu intaa ku daray “Xujo ugama dhigeyno inaan anaga hormuud ka noqono qaabka loo midoobayo, kaliya qaabka ay rabaan ayaan la fiirineynaa oo wax yar ka saxeynaa,laakiin gooni isku taag ma aqbali karno dastuurkeenana ma qoraayo”.

“Madaxweynayaasha dalka isaga dambeeyay weli lagama hayo hal-abuur iyo aragti siyaasadeed oo lagu badbaadiyo Soomaaliya, isla markaa na kala badbaadisa bulshooyinka Somaliland iyo Soomaaliya iyo isirka Soomaaliga” ayuu intaas ku daray.

HOOS KA DAAWO HADALKA XASSAN SHIIKH OO DHAMEYSTIRAN

Related posts

Booliska Filipiin oo qabtay nin ka tirsan Al-shabaab oo heystay Waxyaabo qarxa

Caydiid Ali

Maamulka G/Banaadir oo lacago kusoo rogay Jaamacadaha iyo Wasaarad arintaasi kahor timid

Cabdi Cade

Kenya oo joojisay Munaasabad maanta lagu soo dhaweyn lahaa C/Raxman C/shakuur

Cabdi Cade
Taboola Ads ---