Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka DF & shacab hubeysan oo degaano cusub kala Wareegay Al-shabaab (Sawirro)

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan

Warbaahinta DF ayaa sheegtay in goobaha Al-shabaab laga saaray ay ka mid yihiin degaanada Aboorey, Tardo, Sagaal-geed, Geedsamo iyo Inameey, oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

“Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee hormuudka u ah dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada Al shabaab ayaa soo bandhigay, meydadka argagaxisada iyo sido kale hubkii laga furtay” ayaa lagu yiri war laga baahiyey warbaahinta dowlada.

Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa mudooyinkan ka jiray kacdoon shacab oo looga soo horjeedo Al-shabaab oo lagu eedeeyey iney gubeen ceelal iyo tuulooyin, dad badan oo aan waxba galabsana laayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada:Khayre oo ka Qeyb Galay Xafladda Dhameestirka Soo Wareejinta Maamulka Hawada Somalia

Cabdi Cade

(Sawirro) Ruushka oo sii daayey Maxaabiis ay ku jireen saraakiil ka tirsan ciidanka Ukraine

Caydiid Ali

Madaxda Madasha Wadatashiga oo kulan deg deg ah la qaatay Guddoonka labada Aqal (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---