Allbanaadir.com
NEWS

Muqdisho ma u baahan tahay Ciidan Milatari ah oo amaankeeda suga ?!

Kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo gudiga amniga ayaa lagu go’aamiyay in guud ahaan magaalada Muqdisho amaankeeda lagu wareejiyo ciidan milatari ah gaar ahaan guutada 14-ka Octobar oo dhowaan tobabar loo soo xiray.

Guutadan 14-ka Octobar ayaa ciidanka xooga dalka kusoo biiray kadib qaraxii isgoyska Zoobe, waxaan loogu tala galay inay noqdaan ciidanka difaaca shacabka sida uu madaxweynuhu horay u sheegay.

Amaanka magaalada horay waxaa u sugayay ciidamo lamagac baxay xasilinta-caasimada oo ka madax bannaanaa ciidanka intiisa kale, wallow ciidankan ay wax badan oo horumar  ka sameeyeen xaga amaanka magaalada Muqdisho hadana waa ay ku fashilmeen inay magaalada ka dhigaan mid ka caagan qaraxyada iyo dilalka qorsheesan.

Hadaba magaalada Muqdisho ma u baahan tahay ciidan Milatari?

Marka aad eegto magaalaooyinka ugu amaanka badan caalamka, sida Tokyo, Helsinki, Singboor Sydney IWM, ma ahan kuwa ay amaankooda sugaan ciidamo militiri ah, xaqiiqidi waxaaba adag inaad aragto iyagoo magaalada gaaf wareegaya, inkasto aysan la mid aheyn magaalada Muqdsiho laakin waa xaqiiqi caalamka ka jirta inaysan ciidamo milatari amaanka magaalada ku tiirsaneyn, mar hadii aysan jirin cadow leh awood muuqata oo soo weerari kara magaalada.

Inta badan amaanka magaalooyinka waa weyn ee caalamka waxaa suga ciidamada sirdoonka ee dharcadka loo yaqaan, kuwaasoo meel walba taagan, xariir dhowna la leh boliiska, kana howl badan ciidanka intiisa kale. Dadka inta ay iska ilaaliyaan boliiska in kabadan wax ay ka baqaan ciidanka dharcadka.

Sida caadada ah, Ciidanka milatariga ayaa inta badan shaqadoodu tahay sugiga amaanka xuduudaha dalka iyo in loo adeegsado marka ay jiraan baahiyaha gaarka ah.

Dadka ku xeel dheer arimaha amaanka ayaa waxey sheegeen in magaalada Muqdisho u baahantahay ciidan sirdoon dharcad meel walba taagan kuwaasoo buuxiyay shuruudihii ciidannimada, cadowguna uusan ka dhex aqoonsan karin dadka kale, si la mid ah ciidamo booliis ah kuwaasoo si dhow ula shaqeeya sirdoonka dalka, kadib waxaa yaraan doonta fursadaha cadowga kusoo dhexgalo shacabka, mar hadii uusan kala garaneyn shacabka iyo ciidanka, maxaa yeelay hadaba cadowga dowlada lagama garto shacabke’e!

Isku soo wada duub, dowladda waa inay xoogga saartaa dhisida ciidan sirdoon oo tayo iyo takhasusba leh kuwaaso keeni kara xogta cadowga ka hor fulintooda falka, inta waqti badan lagu bixin lahaa dhisadda ciidamo fara badan oo natiijadoodu noqoto Hal bacaad lagu lisay.

 

W.Q Abdinasir Safaana

Email:Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Hubeesan oo laga mamnuucay in lagu dhax arko Kismaayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Itoobiya oo dhoofineysa shidaalkii ugu horeeyey ee ka soo baxay dhulka Soomaalida

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo kormeer ku tagay Garoon heer Caalami oo dhismihiisu socdo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---