Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

William Ruto oo xil cusub u magacaabay Madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Uhuru

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Kenya William Ruto, ayaa Ergaygiisa Nabadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Itoobiya, u magacaabay madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Uhuru Kenyatta.

William Ruto, oo muddo isbuuc kayar xafiiska jooga ayaa u magacaabay saaxiibkiis hore Uhuru Kenyatta in uu noqdo ergayga nabadda ee u qaabilsan dalalka Itoobiya iyo Congo uu horey Uhuru intii uu xilka hayay dadaalo nabadeed uga waday.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in magacaabistan uu ka aqbalay madaxweyne hore Uhuru Kenyatta ,waxa uuna xusay in hooshaasi qaban doono Uhuro isaga oo matalaya Qaranka Kenya.

Uhuro Kenyatta ayaa horaantii sannadkan marti galiyay wadahadalo nabadeed oo dhax maray Madaxweynaha dalka DRC Felix Tshisekedi iyo qaar ka mid ah kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallama bariga dalkaas.

Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale isku dayay in xal loo helo colaada ka dhax aloosan dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhada TPLF , waxaana hadda la filayaa Uhuro in uu dardar galiyo howlaha nabadeed ee loo xilsaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo u mahadceliyay xildhibaannada labada Aqal

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu yahay balanqaadka culus ee dowlada qatar u sameysay Somalia.

Caydiid Ali

Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Hobyo & diyaar garow halkaas ka socda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---