Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoono Caan ka ah Gobolka Hiiraan oo Qarax lagu Dilay (Akhriso Magacyada)

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso oo haleelay gaari ay la socdeeen nabadoono caan ka ah gobolka Hiiraan, xilli uu marayay gaariga deegaan u dhaw Buq-Aqable.

Qaraxa ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow deegaanka Buq-aqable, waxaana qaraxan ku dhintay nabadoonno la socday gaariga qaraxa la kulmay iyo sidoo kale dad kale oo la socday.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay afar qof oo saddex kamid ah ahaayeen nabadoonno halka qofka afaraad uu ahaa wiil uu dhalay mid kamid ah odayaasha dhintay, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay hal qof oo kale oo xaalad culus ku jira.

Meydadka odayaasha dhaqanka ee geeriyooday iyo qofka dhaawaca ah ayaa la geeyay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, waxaana magaaladaasi saakay laga dareemayaa murugada ka dhalatay qaraxa lagu dilay odayaasha dhaqanka.

Magacyada Odayaasha iyo wiilka Qaraxa lagu dilay ayaa kala ah

1- Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax
2- Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow
3- Nabadoon Mukhtaar Xaaji
4- Iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare.

Qaraxan odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan lagu dilay ayaa imaanaya xilli deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ka socdaan dagaalo u dhaxeeya dadka deegaanka oo is abaabulay iyo sidoo kale kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay axdiga ka mid noqoshada ururka EAC

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farta ku fiiqay beelaha dega Deegaannada ay Al Shabaab heestaan

Cabdi Cade

Khilaaf u dhexeeya Wasiirka qorsheynta & Xoghaye Axmed Nuur Maxamed oo soo shaac baxay ( Maxaa la isku Khilaafay?)

admin
Taboola Ads ---