Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo dhagax Dhigay Guryo cusub oo loo dhisayo dad Barakacayaal ah (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobolka Togdheer, ayaa saakay dhagax dhigay guryo cusub oo loo dhisayo dadka danyarta ee ku dhaqan deegaanka Alla Aamin Aw Shugri ee duleedka Koonfureed ee magaalada Burco.

Dadweynaha ku dhaqanka Kaamka Allla Aamin Aw Shugri, ayaa ugu horrayn madaxweynaha iyo xubnaha xukuumadda katirsan ee wehelinaya halkaas kusoo dhaweeyey, waxana ugu horrayn munaasibadda ka hadlay qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu ugu dhiirraday in dadka danyarta ahi ay helaan guryo ay u hoydaan.

Maayarka magaalada Burco, Badhasaabka gobolka Togdheer iyo guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha qaranka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay tallaabada uu ku dhagax dhigay dhismeyaasha cusub ee dadka danyarta ah loo dhisayo.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa la dardaarmay dadka danyarta ah ee halkaas ku nool, waxana ku adkeeyey inay dhexdooda isku tashadaan oo aanay gacan kale waxba ka sugin.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismeyaasha cusub ee loo binayn doono dadka danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Alla Aamin Aw Shurgi ee duleedka Burco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ergayga Mareykanka ee Geeska Afrika oo is-casilaya iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Cabdi Cade

Mashiinka “Ventilator” Ma u Yahay Lagama Maarmaan Badbaadada Bukaanka COVID-19?

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo shir deg deg ah ah isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---