Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in Muqdisho lagu qabtay Xubno katirsan Al Shabaab, hub iyo Gaadiid

War saxaafadeed caawa kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay in howlgal ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ka sameeyeen Muqdisho lagu qabtay xubno katirsan Al Shabaab ,hub iyo gaadiid.

Dowladda warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Ciidamada NISA howlgalka kula wareegeen xarumo qarsoodi ah oo Al Shabaab lahaayeen iyo agab dagaal, sidoo kale ciidamada NISA  burburiyeen shabakad ku fulisa dilalka qorsheesan iyo qaraxyada.

War saxaafadaadka ayaa lagu sheegay in xubnaha Al Shabaab ee la qabtay isugu jira xubno loo diyaariyay beegsiga shacabka, kuwa dhaqaatiir ah iyo kuwa kale oo qaabilsanaa deegamaynta iyo u adeegidda kooxdan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faroole oo ka hor yimid go’aano xalay lagu gaaray Madaxtooyada Puntland

Caydiid Ali

Mas’uuliyiin ka tirsan Warbaahinta dowlada oo ku dhaawacmay qaraxii caawa

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo sheegay in Al Shabaab weeraro abaabulayaan iyo Axmed Madoobe oo..

admin
Taboola Ads ---