Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muuse Biixi iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweyey Oodweyne (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey Magaalada Oodweyne iyo Deegaanno Hoos yimaadda

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo  oo safar shaqo ku jooga gobolka Daad-madheedh, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne iyo degaanno kale oo hoos yimaadda.

Boqolaal ka mid shacabka ku dhaqan magaalada Oodweyne oo ay hoggaaminayaan maamulka gobolka, midka degmada, cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo calanka Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga hortegay dhinaca Bari ee magaalada Oodweyne, iyagoo socod lug ahna ku soo mariyey shaaracyada kala duwan ee magaalada.

Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha wefdiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa shacabka reer Oodweyne kala hadlay goob fagaare ah, waxana ay uga  mahad naqeen sida gobonnimada leh ee ay usoo dhaweeyeen.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Oodweyne, ayaa ugu horrayn ugaga mahadnaqay sida heerka sare ah ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in soo dhaweynta iyo gobonnimaduba astaan u yihiin reer Oodweyne.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyaa mar kastaba diyaar u tahay in dalka laga qabto doorashooyinka qorshaysan.

Deegaannada Ceel-xume iyo Bilcille, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku jooga gobolka Daad-madheedh.

Related posts

Nin Soomaali ah oo dabaq dheer oo kuyaalla dalka Mareykanka iska soo tuuray

Cabdi Cade

Somaliland oo War kasoo saartay dagaalkii ay ku dhawaaqday Puntland (Akhriso)

Cabdi Cade

Wasiirka A/dibeda ee UAE oo qoraal af Soomaali ah soo dhigay bartiisa Twitterka, kana hadlay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---