Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoorqoor oo Laba qodob oo xasaasi ah kala hadlay James Swan (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan.

Madaxweynaha iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay abaaraha dalka ku dhuftay iyo sida Qaramada Midoobay ay gacan uga gaysan lahayd arrimaha bini’aadanimada.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah waxay kawada hadleen la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo sidii looga xorayn lahaa guud ahaan Soomaaliya, iyadoo Galmudug ay dagaal aan kala har lahayn kula jirto argagixisada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Mafaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha iyo Ergayga ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sida hormar looga samayn lahaa dowlad dhiska iyo horumarka Soomaaliya oo ka soo kabaneysa burbur ka dhashay dagaalo wejiyo kala duwan leh oo ay 30 sano ku soo jirtay.

Related posts

Sidee maanta looga ciiday Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dacwad ooge baaris ku sameenaya Madaxweyne Joe Biden oo la magacaabay

Cabdi Cade

Waa Maxay Waxa Laysku Mari La’yahay oo Ku Sigay Dalka Inay Shalaw ka Tuuraan?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---