Allbanaadir.com
NEWS

Dhalinyaro Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka K/Afrika

Muwaadiniin Soomaali ah ayaa saacadihii ugu dambeeyey waxaa dil iyo dhaawacyo loogu geystay dalka Koonfur Afrika sida ay sheegayaan wararka dalkaas naga soo gaaraya.

Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa la soo sheegayaa iney nin Soomaali ah ku dileen saddex kalena ku dhaawaceen Magaalada Cape town.

Baanqado iyo qalab kale ayaa la sheegay in loo adeegsaday dilka iyo dhaawaca loo geystay dhalinyaradan Soomaalida ah xili ay ku mashquulsanayeen howl maalmeedkooda caadiga ah.

Nooma suuragelin inaan helno magacyada Soomaalida dilka iyo dhaawaca loo geystay balse waxaa la sheegaya in goobta weerarku ka dhacay ay gaareen booliska dalkaas inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada ragga falkaas geystay.

Dilka iyo boobka loo geysto Soomaalida iyo ajaaniibta kale ayaa sanadihii ugu dambeeyey ku soo laalaabanayey dalka Koonfur Afrika, iyadoo booliska dalkaasina lagu eedeeyo ineysan wax la taaban karo ka qabanin kooxaha geysanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiir oo ansixiyay xeer muhiim ah iyo heshiis dowlad lala galay

Cabdi Cade

Cabaas Osman Abshirow oo la dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Wasiirada DF ee ka soo jeeda Puntland oo ka baaqday Shirka Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---