Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay Murankii ka taagnaa arrimaha xajka sanadkan

Ku-simaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Madaxda shirkadaha duulimaadyada ayaa go’aan ka gaaray khilaafkii arrimaha xajka, iyadoo shan shirkadood ay sanadkan duulimaadyada ka qeyb qaadan doonaan.

Sarkaalka Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga ee loo xil-saaray Arimaha Xajka ayaa sheegay in Shanta Shirkadood labo ka mid ah oo kala ah Jubba iyo Daallo ay si toos ah Muqdisho uga qaadi doonaan xujeyda halka Saddex shirkadood ee kale oo ku soo korortay sanadkan ay geyn doonaan xujeyda Nairobi iyo Jabuuti, isla markaana ay wakiisheen in halkaasi ay ka sii qaadaan dayuurado ay leeyihiin shirkado caalami ah.

Tirada Guud ee Sanadkan Xujeyda Soomaaliya ka imaaneysa ayuu sheegay iney tahay  9,300 waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey in waqtigii loogu talo galay Xujeyda ay waajibaadkooda diiniga ah gudan doonaan.

Murankii ka dhashay arrimaha Xajka ayaa waxaa xilalkoodii ku waayay Wasiirkii Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo Maareeyihii Duulista Hawada, waxaana murankan uu ka dhashay shirkado cusub oo dowladu ku kordhisay kuwii horey u jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Musharax Xasan Cali Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

admin

Israa’iil oo duqeysay xarunta Sirdoonka Xisbullah iyo Digniin loo diray dadka…

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Madaxtooyada cusub ee loo dhisayo Galmudug iyo Qoor Qoor oo kormeeray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---