Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa shil gaari ku galay magaalada Kyiv ee caasimadda dalkaasi, waxaana gaariga madaxweynaha la sheegay in uu ku dhacay gaari qof shacab ah watay
Afhayeenka madaxweynaha Ukraine Sergii Nykyforov , ayaa sheegay in gaariga madaxweynaha uu ku dhacay gaari shacab, waxa uuna xusay in Madaxweynaha uusan waxyeelo xooggan kasoo gaarin shilkaasi.
Waxa uu sheegay afhayeenka in madaxweyne Volodymyr Zelensky, in lagu sameeyay baaris caafimaad, waxa uuna xusay in dhaqaatiirta xaqiijiyeen in uusan madaxweynaha qabin wax dhaawac halis ah.
Shilkan waxaa ku dhaawacmay oo isbitaal loo qaaday darawalkii waday gaarigii ku dhacay kan madaxweynaha, waxaana socda baaritaano ciidamada booliiska ku sameenayaan shilkan iyo waxa sababay.
Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa xilliga uu shilka galayay la sheegay in uu kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalada Izyum oo dhawwaan ciidamada Ukraine kala wareegeen ciidamadii Ruushka ee halkaasi ku sugnaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com