Allbanaadir.com
NEWS

Hay’ada ka hortagta Badeecadaha khatarta ku ah Caafimaadka oo la magacaabay

Hay’addan ayaa noqoneysa mid ka hortagta Badeecadaha khatarta ku ah Caafimaadka dadka iyo deegaanka, sidoo kale keenista iyo isticmaalka Badeecadaha dhacay ama tayadoodu Liidato si loo ilaaliyo badqabka nolaleed iyo caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey muhiimadda Ganacsiga iyo guud ahaan Dalka ay u leedahay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale u magacaabay 5 xubnood oo Hay’adda Tayo-dhowrka iyo badqabka badeecadaha Dalka soo gala.

Xubnaha Guddiga  Tayo dhowrka Soomaaliyeed waxay kala yihiin

1:  Guddoomiye  Aadan Xasan Barre

2:  Cabdillaahi  Salad Xasan    Xubin

3: Ibraahim Naxamed Xasan   Xubin

4: Fartuun Siidow  Macalin Cabdi   Xubin

5: Cabdi Saqaawe Cismaan  Xubin

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayey Hay’adan hoostageysa, waxayna xarumo kala duwan ku yeelan doontaa dhammaan gobollada Dalka, si sare loogu qaado Tayada waxyaabaha Dalka ka soo gala Dekedaha, Garoomada iyo Xuduudaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre: “Sax maaha in ciidanka amnigu qeyb ka noqdaan guddiyada doorashooyinka”

Caydiid Ali

(Sawirro) Hoggaamiyaha SSC oo xariga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda..

Caydiid Ali

Aabe dilay xaaskiisa & caruur ay isku dhaleen oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---