Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Xamze oo warbixin ka dhegeystay Guddoomiye Dr. Cali Ciise (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Hamza Abdi Barre,  ayaa maanta xafiiskiisa warbixin kooban iyo talooyin kaga dhagaystay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Dr Cali Ciise.

Warbixinta ayaa diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee loo kobcin karo dhaqaalaha iyo maalgashiga iyo arrimo kale oo lagu horumarin karo dakhliga dowlada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu dhiirgalinayo cilmi baarista dhaqaalaha ee ay guddigu wadaan oo uu xusay iney horseedi karto in xal waara loo helo sidii looga bixi dhaqaale xumada iyo ku tiirsanaanta deeqaha ajnabiga.

Waxaa uu intaa raaciyay inay muhiim tahay in la adkeeyo wadashaqanta Guddiga iyo Gudi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Xukuumadda, si loo xoojiyo tayada iyo wadashaqeynta ha’yadaha maaliyadda ee dalka.

Related posts

Sidee u aragtaa Amarkii uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Khayre? (Fikirkaaga dhiibo)

admin

(Daawo Sawirro) Hogaamiyihii Wagner, Prigozhin oo lagu aasay St. Petersburg

Caydiid Ali

Duqa magaalada Muqdisho oo Hanjabaad culus hawada marsiiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---