Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon lagu dilay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxaa galabta xiligii qorax dhaca lagu dilay Nabadoon caan ah oo ka tirsanaa dadka degaanka.

Marxuum Nabadoon Xuseen Xaayow Xalane ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Kooxihii dilka fuliyey ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo marxuumkana uu isla goobta ku geeriyooday.

Marxuum Nabadoon Xuseen Xaayow Xalane oo ka mid ahaa waxgaradka ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ahaa nin afgaaban oo cibaado badan sida ay sheegeen dadka aqoonta u leh.

Ma jirto cid sheegatay dilka nabadoonka inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Related posts

Ciidamo badan oo katirsan AMISOM oo la geeyay Madaxtooyada iyo Warar kala duwan oo kasoo baxaya !

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Salah Ahmed fulinta Heshiisyo horey loo gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada DF iyo kuwa Deegaanka oo isaga baxay Deegaanka Qaayib iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---