Allbanaadir.com
NEWS

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka nabad sugida Somalia ayaa goor dhow oo galabta ah lagu dilay Magaalada Muqdisho

Ismaaciil Cariiri oo ahaa taliye-xigeenkii nabad sugida degmada Hodan ayaa kooxo hubeysan waxay ku dileen Suuqa Bakaaraha sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay uu horey u soo noqday taliye ku-xigeenka Nabad sugida degmada Waaberi.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa gaaray goobta lagu dilay sarkaalkan oo ay ka soo qaadeen meydkiisa, iyagoo halkaas ka sameynaya howlgalo baaritaano ah.

Dilalka loo geysto saraakiisha, ciidamada iyo shaqaalaha dowlada ayaa sanado badan joogto ah ka ahaa magaalada Muqdisho, waxaana intooda badan sheegta kooxda Al-shabaab oo dagaal hubeysan kula jirta ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Xog) Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xassan Shiikh oo gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble oo shaaciyey in Deni uu yahay Musharax Madaxweyne

Caydiid Ali

Maamulka gobolka Banaadir iyo Al Shabaab oo ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---