Xaafad yar oo dhacda koofurta Ruushka waxay magac ku heshay dhaqanka ah ku dul-socoshada xarigyada. Dadka Degestan yar iyo weyn intuba waxaa caado u ah inay ku kor socdaan xariga. Qof walba ugu yaraan wuu yaqaan sida la iskugu dheelli-tiro ku socoshada xariga dushiisa.
Xaafadda Tsovkra cidna ma oga sida uu dhaqankani uga bilowday, laakiin qarni ku dhow ayay dadkeedu caado ka dhigtaan inay xargaha iyo fiilooyinka ku kor socdaan. Lab iyo dhedig, carruur iyo cirroole intaba way garanayaan. Xattaa qaar ayaa ku xeeldheeraaday kuwaas oo ugu dambeyntii kaga qeybgalay tartamada caalamiga ah.
Sababo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay barashada si ugu fudud ee lagu gaari karo degaan ka degaan iyo ka caaganida in buuraha la koro marka la doonayo in loo shukaansi tago hablaha danbeedka buuraha ku nool ayaa qasabtay in qof walba uu noloshiisa kamid dhigo barashada sida xargaha loogu dul socdo.
Sidaas darteed, la yaab malahan inaad aragto xargo sida qulqulka fiilooyinka korontada sida u maraya – si is dhaaf – xaafadaha iyo jidadka. Mararka qaar way dhacdaa in labo iskaga hortimaado xarig qura dushiisa. Xalkuna kuma adka.
Halka cabsi ayaase taagan. Waana saadaal la’aan ka jirta haddii uu dhaqankani sii jiri karo iyo in kale. Dad badan oo da’ ah hadda in badan iskuma dayaan madaama ay jir ahaan nuglaadeen. Waxay u badan tahay inay kaliya ku harto xusuus iyo sooyaal ama taariikh hore.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com