Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo saaka kaga ambo baxay Hargeysa, ayaa gaadhay magaalo xeebeedda Berbera, waxana halkaas kusoo dhaweeyey Kumannaan katirsan shacabka reer Berbera oo ay wejiyadooda ka muuqatay xamaasad iyo waddaniyadi.

Qaybaha kala duwan ee shacabka reer Berbera oo ay hoggaaminayaan maamulka gobolka iyo midka degmada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey gudaha magaalada, kuwaas oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo madaxweynaha uu socod lug ah masaafo dheer la lugeeyey bulshadii halkaas kusoo dhaweysay.

Sidoo kale, madaxweynaha iyo weftigiisa waxa si diirran loogu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, waxana caleemo qoyan ku qaabilay bulshada deegaannadaas ku dhaqan oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo yididiilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Xassan Shiikh iyo Simon Coveney? (Sawirro)

Caydiid Ali

Taageerayaal buux dhaafiyey hoyga uu laacibka Max’ed Saalax ka degan yahay Qaahira (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal Ciidan oo katirsanaa Dowladdii Maxamed Siyaad oo la xiray iyo Dambiga loo heesto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---