Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Duqa Muqdisho oo Kulan Wadatashi ah la Yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Birmingham (Daawo Muuqaal)

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka UK ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay dalkaas Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi la socda oo howlo shaqo halkaa ku tagay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa magaaladda Birmingham ee dalka Britain waxaa uu kulan wadatashi kula yeeshay qeybaha kale duwan ee Bulshadda Soomaaliyeed ee magaaladaas ku nool, waxaana Gudoomiyuhu uu kulankaas kaga warbixiyay horumarka dalka ka socda, gaar ahaa Caasimadda, isagoo ku booriyay ka soo qeybgalayaashii kulanka in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka.

Masuuliyiintii kulanka ka hadashay ayaa Gudoomiye Gobolka Banaadir Eng. Yariisow kaga mahadceliyay Waxqabadka Muuqda ee maamulka uu Gudoomiyaha ka yahay uu ka sameeyay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay (Magaciisa)

Caydiid Ali

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn xooggan oo lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Ciidamada Mareykanka oo 5 qof ku dilay Garoonka Diyaaradaha Kabul (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---