Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo Warbixin ka dhageestay Magatte Guisse (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaaminayay madaxa UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya ayaa Mr. Magatte Guisse ka dhagaystay warbixin ku saabsan hawlaha samafalka ah ee ay hay’addu ka shaqayso.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa ku bogaadiyay hay’adda UNHCR shaqooyinka ay hayaan, isagoo xusay inay xoojin doonaan wadashaqaynta Hay’adda iyo Xukuumadda, si loo xoojiyo arrimaha bini’aadantinimada iyo dedaalada samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa marar badan hay’adaha caalamka kala hadashay sidii ay gacan uga geesan lahaayeen gurmadka abaaraha ee loo fidimayo dadka ay saameesay abaarta ku dhufatay qeybo kamid ah dalka.

Related posts

Calooshood u shaqeystayaal garab siinayay Khaliifa Haftar oo isaga baxay aaga Dagaalka

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kheyre oo soo xiray Shir Muhiim ah oo ka socday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Al Shabaab oo qabatay Diyaarad Drone ah kusoo dhacday Deegaan ay maamulaan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---