Allbanaadir.com
NEWS

Wakiillo katirsan Beesha Caalamka oo tagay Baydhabo lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socday Safiirada Beesha Caalamka ufadhiya Soomaaliya oo uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amp James Swan.

Kulan Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Safiirada Beesha Caalamka ee tagay magaalada Baydhabo yeesheen ayaa looga hadlay arrimo dhoor ah oo ay kamid ahaayeen xoojinta howlgalada lagula dagaalamayo kooxda Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii beesha caalamka gacan uga geesan laheyd taageerada iyo wax u qabashada dadka ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed oo saameynta xun ku yeelatay abarata dalka ka jirta.

Wakiiladda beesha caalamka ayaa u ballanqaaday maamulka Koonfur Galbeed in ay ka taageeri doonaan howlgaladda ammaanka lagu xaqiijinayo iyo sidoo kale taageerida dadka abaarta saameesay ee kunool deegaanada maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin madax xanuun joogta ah ka cabanayay oo xaalad layaab ku noqotay loo sheegay !

Cabdi Cade

Theresa May: “Lama aqbali karo hadalka isir naceybka ah ee ka soo yeeray Trump”

Caydiid Ali

Meydadka Ido la gowracay oo saakay lagu arkay xaafad katirsan Muqdisho (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---