Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo Muddo kordhin loo sameeyay iyo DF oo go’aan laga sugayo

Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug ayaa wax ka bedel ku sameeyay dastuurka maamulkaasi u degsanaa, waxa ayna muddo kordhin u sameeyeen Madaxweynaha.

Malamihii lasoo dhaafay magaalada Dhuusomareeb waxaa ka socday qorshaha muddo kororsiga uu gadaal ka riixayay Madaxweyne Qoor Qoor, waxaana maanta ugu dambeyn baarlamaanka Galmudug hirgaliyeen rabitaanka Madaxweynaha.

Kulanka Xildhibaanada baarlamanaka Galmnudug oo maanta soo xaadireen 56-Xildhibaan , ayaa dhammaan xildhibaanada waxa ay qaab gacan taag ah ku ogolaaday in wax laga bedelo dastuurka Galmudug, lagana dhigo muddada xil heynta Madaxweynaha 5-sanno.

Maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa horey min hal sanno oo dheeraad ah ugu darsaday mudada xil heynta, waxaana Galmudug raacday waddadii ay horey u mareen madaxda maamulada kale.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaana wali ka hadlin muddo kororsiga iskood ah ay sameesteen maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana la filayaa in dowladda go’aan kasoo saarto arrintan oo ay ku oggolaato ama uga soo horjeesato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo garoonka Aadan Cadde ka celisay dad laga soo musaafuriyay Kismaayo

Cabdi Cade

Ciidamo Itoobiyaan oo lagu wareejinayo Amniga Doorashada ka dhaceysa Baladweyne!!

Cabdi Cade

Nin muslim ah oo diyaarad ka dhex yiri ‘Alle ayaan jeclahay’ iyo wixii lagu sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---