Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad kutaalla Milxo iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Waxaa xalay qarax ismiidaamin ah uu fuliyay qof jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray  uu ka dhacay deegaanka  Milxo oo katirsan gobolka Sanaag, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in qaraxan ismiidaaminta ah  lala beegsaday maqaayad lagu shaaho laguna qayilo oo kutaalla deegaanka Milxo oo ku dhaw buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay dad gaaraya shan qof halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen, dadka dhaawacmay oo loo qaaday magaalada Boosaaso ayaa qaarkood lasoo sheegay in xaalkooda culus yahay.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay deegaankan katirsan gobolka Sanaag, waxaana saraakiil katirsan maamulka sheegeen in ay socdaan baaritaano.

Deegaanka Qaraxa ka dhacay ee Milxo ayaa waxaa saameyn ku leh dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugan buuraha Caalmadow, waxaana deegaankan la sheegay in laga helo dahabka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo & Muuse Biixi oo kulan fool ka fool ah ku yeeshay Addis Ababa

Caydiid Ali

Maadxweyne Cali Guudlaawe oo guddoomiyay Shir arrimo dhowr ah looga hadlay

Cabdi Cade

Dib u dhac mar kale ku yimid Doorashadii Itoobiya iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---