Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo War ka soo saaray dagaal beeleed ka dhacay Sh/dhexe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku dagaalamayo deegaano hoosyimaada Degmooyinka Raage Ceelle iyo Cadale in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan dirirtaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ayaan darro wayn ay tahay oo aan la aqbali karin in waqtigaan la joogo dad walaalo ah ay dhexmarto colaado sokeeye iyadoo deegaanadeena qaar kamid ah uu cadow argagixiso ah haysto, abaaro ba’anna ay ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa faray Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, Waxgaradka iyo Culuma’uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaadaas, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado gogol dib u nabadeed.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay in naxariiistiisa janno uu ka waraabiyo dhamaan dadkii ku dhintay dagaalkaas, inta dhaawacantayna waxa uu Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Related posts

Xiisad caawa ka taagan Baydhabo & Shariif Xasan oo kulan xasaasi ah la qaatay..

Caydiid Ali

Habraaca amniga doorashada Madaxweynaha Somalia oo la soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---