Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Xilliga iyo goobta lagu aasayo Queen Elizabeth II oo la shaaciyey

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyey goobta iyo xiliga la aasayo boqoradii UK Elizabeth II oo 8dii bishan geeriyootay iyadoo jirtay 96 sano.

Naxashka meydka boqoradda ayaa la dhigi doonaa hoolka Westminster Abbey afar maalmood ka hor aaskeeda oo ku aaddan maalinta Isniinta, ee ku beegan 19-ka Sebtember. Dadweynaha ayaa loo oggolaan doonaa inay daawadaan naxashka muddadaas.

Hoolka ayaa ku yaalla qeybta ugu qadiimsan ee qasriga Westminster, oo muhiim u ah Britain.

Sanadkii 2002, naxashka Boqoradda hooyadeed oo xilligaa geeriyootay ayaa la dhigay hoolka, waxaana booqday in ka badan 200,000 oo qof.

Naxashka Boqoradda ayaa la saari doonaa dhismo taag ah oo loo yaqaan catafalque, halkaasoo ay ku ilaalin doonaan askar ka tirsan ilaalada boqortooyada.

Naxashka ayaa marka hore laga soo qaadi doonaa qasriga Buckingham, waxaana qaadaya gaadiid tartiib u socda oo ay la socdaan milateriga iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ay geyn doono qasriga Westminster.

Wiilkeeda Charles oo 73 jir ah ayaa si buuxda loogu caleemo saaray inuu noqdo boqorka UK ka dib geeridii hooyadiis Queen Elizabeth II

Related posts

Maraykanka oo labo todobaad u qabtay Turkiga & Xiisada labada dal oo ka sii dareysa

Caydiid Ali

Akhriso: Saddex xaqiiqo oo ay Is-moogeysiinayaan Musharrixiinta Mucaaradka

Cabdi Cade

Wax badan ka Ogow Tartanka Uus-buurnimada ee loo qabto rag kunool dalka Itoobiya.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---