Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Wasiir Xasan Macalin ku soo arkay xabsiga dhexe ee Xamar?

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Somalia Mudane, Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Mudane, Axmed Cabdiraxmaan Xasan, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Mudane, Saleebaan Maxamed Maxamuud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xabsiga dhexe ee Xamar.

Wasiirka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xabsiga asagoo warbixin ka dhageystay ku simaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliyaha Xabsiga dhexe oo ku aaddan xaaladda maxaabiista ay ku sugan yihiin sida jiifka, cunnada, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka Farsamo ay qabtaan maxaabiista.

Xasan Macalin Maxamuud ayaa ku amaanay saraakiisha ciidanka asluubta iyo maamulka xabsiga dedaalka ay ugu jiraan daryeelka maxaabiista, wuxuuna kula dardaarmay iney ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista halkaas ku xiran.

Related posts

Halis gaar ah oo soo wajahday kumanaan haween ah oo ku nool Magaalada Gaza

Caydiid Ali

Rooble oo la kulmay Xubno katirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Mombasa (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun lagu riday Nin dilay adeerkiis hooyadiis horey u qabay iyo nin dilka la fuliyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---